|

Suuqyada Hargaysa oo uu Mar Qudha Hoos u Dhacay Qiimaha Sarifka Dollarka & Waxa Sababay

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Sarifka Suuqyada Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa maanta saacado kooban isku bedelay ka dib markii ay maanta go,aamo saamayn ku yeeshey sarifka Lacagta Doolarka ku dhawaaqdey Xukumada Somaliland.

Sarifka Doolarka ayaa Caawa ilaa Galabta wax wayn iska bedelay waxaana Boqolkii Doolar 100$ oo saaka lagu sarifeeyey 850,000 ilaa 820.000 kun oo Shilinka Somaliland ah uu mar kaliya ku soo daadegey 100$ kii Doolar 750,000 oo Shilin Somaliland ah iyada oo halkaasi laga dareemi karo hoos u dhaca way nee ku yimi qiimaha lacagta doolarka.

Hoos u dhacan ayaana yimi ka dib saacado kooban markii Xukumada Somaliland ku dhawaaqday in Boqolkii Doolar 100$ lagu kala sarifan doono 750,000 kun oo Shilin Somaliland ah.

Qiime jabka sida dhaqsaha ah ugu dhacay Doolarka ayaa yimi xilli aan wali la dhaqan galin go,aanka Xukumada Somaliland ku soo rogtey in lagu xadido qiimaha sarifka Doolarka Maraykanka oo sababey Sixir barar aad u badan.

Comments are closed