Suuqii Degmada Qoryooley Oo Dab La Qabadsiiyey iyo Dawladda Oo Masuuliyadda Al-shabaab Dusha Ka Saartay
qoryooley:July,24,2014(SDN/QJ)-Suuqii Degmada Qoryooley ee Goboka Shabeellada Hoose, ayaa Habeenkii xalay Kooxo Al-shabaab ka tirsani dab qabadsiiyeen, sida ay sheegeen masuuliyiin Dawladda ka tirsani.
Dabkan oo fiidkii hore la qabadsiiyey Suuqan, ayaa la sheegayaa inuu Gebi ahaanba shuf beelay uu wada Gubtay, isla-markaana Hanti badani ku Baaba’day.
Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey Cismaan Xaaji Maxamed oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Al-shabaab ay Gubeen Suuqii Degmada oo ay Dab qabadsiiyeen.
“Ilaaladii Suuqa ayey indhaha ka Xidheen,kadib Dab ayey Qabadsiiyeen Suuqii,hada Suuqii Dhamaan wuu Gubtay”ayuu yidhi Cismaan Xaaji.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa hore u go’doomiyey Shacabka ku Nool Degmada kuwaas oo ka Xanibay in Gaadiidka Cuntada wadaa aanay Magaalada soo galin.
Arrintan ayaa ah mid ku Cusub Soomaaliya maadaama Al-shabaab ay Bilaabeen in ay Gubaan Goobaha Bulshada Muhiimka u ah.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Alshabaab marka laga tago warka dhinaca Xukumadda Somalia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com