Suuqa uu Somaliland ka Helay Jaadka laga beero Gudaha dalka,Dhaqaalaha Dalka galay & Dareenka Beeralayda DAAWO
Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Tan iyo Markii uu istaagay todobaadkii hore Jaadkii ka iman Jiray Dalka Itoobiya ee la keeni Jiray Somaliland waxaa Suuq fiican helay Jaadka laga beero gudaha Somaliland oo markii hore Muqayiliintu aanay cuni jirin kana door bidi jireen ka Itoobiya.
Waxaa hubanti ah in lacag badan oo adag oo Somaliland ka bixi jirtay una talaabi jirtay dhanka Itoobiya ay gashay gacmaha muwaadiniinta ku hawlan beerista Jaadka.