Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi oo Maanta Dib loo Furay (DAAWO SAWIRRADA)
Nairobi,18july,2015(QJ/SDN)-Waxaa maanta dib loo furay Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaddib laba sanno markii ay Al-shabaab ku Qaadday weerar ay ku dhinteen 67-qof bishii September ee Sannadkii 2013-kii.
Dad badan oo doonayay inay wax iibsadaan suuqa ayaa buuxiyay, iyadoo aad loo adkeeyay amniga dhismahan ganacsi, waxaana aad loo dhimay qiimaha lagu iibsanayo alaabooyinka yaallay suuqaas, taasoo lagu sheegay inay tahay mid dib u furiddiisa loogu dabaal-dagayo.
Suuqa ayaa waxaa xadhigga ka furay Guddoomiyaha Magaalada Nairobi, Evans Kidero oo uu la socday taliyaha guud ee Booliiska dalka Kenya Joseph Boinnet.
Evans Kidero ayaa sheegay in dib furidda Suuqan ay Calaamad weyn u tahay Shacabka Kenya, kuwaasoo muujiyay adkeysi muddadii uu xidhnaa, si aad ah ayaana loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo dibaddda Westgate Mall.
Taliyaha Booliiska Kenya oo isaguna goobta ka hadlay Xafladda Furitaanka Suuqa ayaa yidhi. “Waxaan ku Faraxsanahay dib u furidda Westgate Mall. Tani Waxay ina Tusaysaa inaanay na baqdin gelin karin dambiilayaasha iyo argagaxisada. Waanu la dagalaamaynaa, waxaana nolosha kusoo celinaynaa sidii caadiga ahayd, Waana naga go’aan arrintaas.”
Sidoo kale, qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa iyagana Warbaahinta u sheegay in tallaabadani ay muujinayso geesinimada, adkeysiga iyo dulqaadka ay shacabka Kenya muujiyeen.
Dhammaan Goobihii Ganacsiga ee Westgate Mall ayaa si caadi ah u shaqeynayay maanta, kuwaasoo ay ku jiraan goobaha haweenku isku qurxiyaan, maqaayado yaryar oo cunnada iyo shaaha laga cabo, dukaamo qalab kala duwan lagu iibiyo iyo goobo kale oo fara badan.
Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa Weerar qaatay dhowr maalmood ku qaaday dhismahan oo ku yaalla badhtamaha magaalada Nairobi 21-kii September 2013-kii, iyagoo dilay dad fara badan.