|

Suumankii, Kabihii iyo Waxyaabihii Ka Hadhay Jidhka Kooxdii Shalay Villa Somalia Isku Qarxisay Oo La Ururinayo Iyo Ujeedada Laga Leeyahay

Muqdisho:22-Feb-2014 (SDN)-Waxaa Lagu Bilaabay Maydadka iyo Googi’ii ka Hadhay Kooxdii shalay isku Qarxisay Madaxtooyada Villa Somalia Baadhitaano La Xidhiidha Sidii Loo Ogaan lahaa Meesha ay ka yimaadeen.

maydaaWarar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa Qurbejoog.com u sheegay in ilaa iyo Xalay Xaafadaha ku dhaw madaxtooyada laga soo Ururinayey Waxyaabihii ka Hadhay jidhka Raggii is qarxiyey iyo Waliba Suumankii, Kabihii iyo Maryihii ay gashanayeen iyadoo dhawaan lagu bilaabi doono Baadhitaano lagu Xaqiijinayo inay Q          urbaha ka yimaadeen iyo in kale.

Khubarada Arrimahan baadhaysa ayaa inta Badan u badan Rag ajaanib ah oo ka Tirsan Ciidamada Dawladda Federalka ah caawiya, kuwaas oo qaarkood maraykan yihiin, qaarna ka Tirsan yihiin kuwa AMISOM oo arrimahan oo kale u tababaran.

Ma aha markii ugu horeeysay oo ay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM xaafadaha qaraxyada ka dhacay ka soo dhex aruuriyaan wax alaale iyo wixii dhiig leh ama jidh beni aadan ah balse hada ka hor waxaa sidan oo kale loo baadhayay xubanaha jidhka ragii weeraray maxkamada gobolka Banaadir iyo Hay´adaha safamalka.

Dhiiga la baadho ayaa durbadiiba waxaa laga helaa dhalinyaro badan oo Qaarada Yurub ama Mareeykanka ka yimid kuwaas oo la rumeysan yahay inay mudo dheer tababar ku dhex qaadanayeen xeryaha uruka Al Shabaab ku leedahay dalka Somalia gaar ahaan dhanka Koonfurta.

Weerarada noocan ah ee sida tooska ah loo weeraro goobaha muhiimka ah waxaa inta badan fuliya dhalinyaro aanan gudaha dalka ku korin kana yimaada qurbaha kuwaas oo dhowr jeer la sheegay in loo adeegsado qaraxyada noocan ah ee aan laga bad baadin.

Kooxdii shalay isku qarxisay Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa maydadkooda laga Arkayey inay yihiin dad aad u dhallinyaro ah oo aan Da’doodu ka weynayn Soddonka,waxana Taasi  Muujinaysaa in inta Badan dadka is qarxiyaa ay yihiin dad aan wali caqligoodu si fiican u korin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed