Suugaantii iyo Waayihii Nololeed ee Alle ha U Naxariistee Marxuun C.laahi Macallin Axmed Dhoodaan {DHAGAYSO}
Hargaysa 27.April (SDN). Ilaahay Naxariistiisii Janno ha ugu Deeqee Waxaa Beri oo Axad ah lagu aasi doonaa Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Ismaamul Deegaaneedka Soomalida ee Itoobiya Marxuun Abwaan Cabdilaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo Door Mug iyo Miisaan leh ka soo qaatay Halgamadii Kala duwanaa ee lagu dagaalamayay Nidaamkii Siyaad Bare .
Alle ha u Naxariistee Marxuun Dhoodan Waxa uu ka mid ahaa Shakhsiyaadkii Faro ku tiriska ahaa ee Markiiba ka Hor Yimid Xukunkii Milateri ee Somalia qabsaday Sannadkii 1969kii,Waxa uu ahaa Shakhsi Badheedhe,Hadal Cadaan iyo Geesinimaba lagu Majeerto,Allena ku Galaday Luuq iyo Siiqad ka Gooni ah inta Gabayda ee Somalida .
Eebbe ha u naxariistee Marxuun Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxuu ku dhashay sanadii 1941-dii, Miyiga magaaladda Wardheer ee Kililka Shanaad ee dalka Ethiopia, Abwaan Dhoodaan Wuxuu kusoo barbaaray isla deegaan kaas, waxuuna Meerinta Gabayga, Geeraarka iyo Dhaantada uu bilaabay isaga oo 16 Sano Jir ah Eebe ha u naxariistee intii uu fanka ku jiray wuxuu curiyey Suugaan kala duwan Sida Gabayo,Heeso Jacbur ah, Geeraaro iyo dhaantooyin aad loo jeclaa,Isla Markaana dhegtii Maqashaa aanay Dhayal ku Iloobi doonin,Gabayada Caan Baxay ee Marxuunku Tiriyay Waxaa ka Mid ah Alla Tuug, Aaweeti , Calaamo, Daba La’, Dalxiis , Gardaro , Duraaqsi, Falladkii , Qalbi Karbaash, Tusaale, Aadan iyo Xaawa, Xuuraa Baf ,Galaal Xoor iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo Koobi Karin, Waxaa kale oo uu allifay Riwaayado door ah .
Hadaba Waxaan Halkan Idiinku Soo Gudbinaynaa Qayb ka Mid ah Waayihii Nololeed ee Marxuun C.laahi Macalin Axmed Dhoodaan inagoo Ku Furan Doonaa Suugaantiisii Jacburka ee dadku Xiisayn Jireen oo uu Sannadkii 2004tii u duubay Idaacada Radio Hargaysa Xiligaas oo uu Socdaal ku Yimid Caasimada Somaliland ee Hargaysa,Waxaa Xog Warankan daadihinaya Weriyayaasha Xasan Maxamed Yuusuf iyo Abiib Iimaan Xasan,Waxaana Markaas kadib Guda Geli doonaa Eebbe ha U naxariistee Abwaanka oo Sharaxaya Marxaladihii Noloshiisa.
Guud ahaan Bahda Qurbe Joog.com waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Bahda Suugaanlayda ee uu ka baxay Marxuun C.laahi Macalin Axmed Dhoodaan.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dhoodaan.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com