|

Suudaan Oo Martigelinaysa Kulan Xal Lagaga Gaadhayo Muranka Ka Taagan Biyo-xidheenka Ethiopia Ka Samaynayso Webiga Nile-ka

Khartuom:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Toddobaadka soo socda, ayaa lagu wadaa in Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan lagu shirweyne ay dalalka suudaan, Ethiopia iyo Masar iskugu iman doonaan, iyadoo halkaas lagaga doodi doono sidii xal waara loogu heli lahaa Muranka Ka Taagan Biyo Xidheenka Ethiopia doonayso inay Webiga Nile-ka samaysato.

baadhoShirka oo heer wasiir ah ayaa diirada lagu saaraya daraasad ay soo bandhigeen shirkado laga leeyahay Holland iyo Farnsiiska oo loo xilsaaray in ay si cilmiyeyesan oo baadhaan saameynta mashruucu oo ku yeealan karo dadka, degaanka iyo dhaqaalaha.

Kulanka oo ah kii 7-aad ee noociisaha ayaa la doonaya in lagu dhameeyo khilaafka dhanka farsamada ah ee ilaa  haatan aan lagu heshiin.

Dawlada Masar ayaa diidmo ka keentay daraasad ay soo bandhigtay Itoobiya sanad ka hor. Daraasadka itoobiya ayaa muujiyey in saamayn yar uu mashruuca biyo-xidheenku ku yeealan karo saamiga biyaha ay Masar ka hesho wabiga Nile.

Inkastoo Itoobiya iyo Masar ay mabda’iyan ku heshiyeen dhismaha wabiga, haddana waxaa wali jira khialaafaad dhanka farsamada ah oo la isku mari la’yahay.

Itoobiya ayaa rumaysan in dhismaha biyo-xidheenka muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha dalkeeda islamarkaana ay adaga tahay in la joojiyo, balse waxa ay Masar u xaqiijisay in waxyeelo aanay kaga iman karin mashruucan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasiasporanews.com

Comments are closed