|

Suudaan Oo Joojisay Dalku Galkii ay Siin Jirtey Soomaalida Iyo Sababaha Keenay Oo La Faahfaahiyey

Khartoum:Feb,09.2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Sudaan, ayaa ku dhawaaqday inay joojisay Dal-ku-galkii ay siin jirtey Dadka Soomaalida ah.

suudWarkan ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey xafiiska Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Khartoum, waxana warkani noqday mid dadka soomaalida ahi si weyn uga naxeen.

U qeybsanaha dhaqanka iyo waxbarashada safaaradda Soomaalidu ay ku leedahay Sudan, Cabdiqaadir Guulane ayaa tibaaxay in go’aankani uu ahaa mid qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska dawlada Sudan u qaabilsan arrimaha dadka Ajaanibka ah.

Warqadan qoraalka ah ee ka soo baxday dawlada Sudan, waxa lagu sheegay in soo saarista go’aankan ay ka danbaysay, kaddib, markii ay dadka Soomaalida ahi u hogaansami waayeen in ay samaystaan warqadda deganaanshaha dalka Sudan, iyo weliba tirada dadka tahriibayaasha ah ee Soomaalida ah ee tagaya dalka Libya, si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub oo si aad ah kor ugu kacday.

Warqaddan oo ku taariikhaysan labaatankii bishii koowaad ee sannadkan 2015-ka, oo uu ku saxeexan yahay masuulka u sareeya xafiiska waaxda ajaanibka dalka Sudan, ayaa lagu sheegay inaanay Soomaalida u hoggaansamin sameysashada deggenaanshaha dalka iyo koror ku yimid dadka u tahriibaya Liibiya si ay u gaadhaan qaaradda Yurub.

Tan iyo intii uu soo baxay go’aankani, waxa garoonka dayuuradaha ee magaalada Khartoum, laga celiyay arday badan oo Soomaali ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

 

 

Comments are closed