|

Suudaan oo Ciidammo u dirtay Yemen si ay uga Qayb-qaataan Howlgalka ka Socda Waddankaasi

Khartoum.18Oct,2015(QJ/SDN)-Xukuumadda Sudan ayaa ciidammo maanta oo Sabti ah geysay magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen ciidammo qayb ka noqonaya xoogagga isbahaysiga uu horkacayo Sucuudiga ee dowladda awooda yar ee dalka Yemen ka taageera dagaalka ay kula jirta xoogagga Xuutiyiinta.

Cadan oo ah magaalo deked leh ayaa waxaa qabsaday xoogagga xuuthiyiinta ah, kuwaasoo ku qasbay madaxweynihii wadwankaas Abd-Rabbu Mansour Hadi inuu ka cararo dalkiisa; isagoo magan-galyo ahaan ku joogay dalka Sucuudiga.

Saraakiil ka tirsan millateriga Yemen ayaa sheegay in 300 oo askari iyo weliba saraakiil ay maanta soo gaareen Cadan; iyagoo sheegay inay xoojin doonaan amniga magaalada Cadan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Yemen, Khaled Bahah iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa ayaa dib ugu soo laabtay bishii hore magaalada Cadan, kaddib markii July laga saaray magaaladaas xoogagga Xuuthiyiinta iyo ciidammo madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax taabacsan.

Ugu dambeyn, magaalada Cadan ayaan weli ammaankeeda sugnayn, iyadoo ay kooxaha mucaaradka halkaas ka geystaan qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah, waxaana bishan hore ay ku dileen 15-qof qaraxyo ay ka geysteen magaaladaas, iyadoo uu ka badbaaday weerarkan ra’iisul wasaaraha Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada taabacsan xukuumadda Yemen iyo kuwa kale ee ka socda waddamada carabta ayaa dagaal kula jira xoogagga xuuthiyiinta ah ee dalkaas, iyagoo isku dayaya hadda inay ka saraaan magaalada xarunta ah ee Sanca.

 

 

Comments are closed