Suldaankii ugu da’da Yaraa oo 14 Jir ah oo Lagu Caleemo saaray Gobolka Nugaal Iyo Khudbadiisii DAAWO
Nugaal 14.June 2015 (SDN/QJ):- Suldaanka beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamuud) Suldaan Maxamed Suldaan Axmed (Hure) ayaa shalay lugu caleema-saaray deegaanka Jalam oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Caleema-saarka suldaanka oo ka dhacday baliga Ruura,waxaa ka qayb-galay inta badan isimmada Puntland,nabadoono,wax-garad,ganacsato,mas’uuliyin dowladda ka tirsan, xildhibaanno, dhallinyaro, haween iyo qaybaha bulshada.
Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Maxamuud oo daahfuray munaasabadda suldaanka cusub lugu caleema-saaray,waxuu sheegay inuu soo dhaweynayo una taageerri doono,waxuuna inta ku daray inay siin doonan talo ku aadan sadanada uu qaaday.
Suldaan Saciid Maxamed Garaase oo ay wada degan-yihiin suldaanka cusub,waxuu sheegay door muhiim ah inuu ka qaadan doono barbaarinta iyo wax u sheegida suldaanka cusub oo ah isinka ugu da’da yar isimmada Puntland.
Nabadoonka guud ee beesha Maxamed Cumar ee suldaanka soo dooratay,nabadoon Saciid Warsame Ciiraale (Soocadde) ayaa dhankiisa sheegay beesha inay isku raacday suldaankan oo dhaxaltooyo ku helay,maaddama uu aabihii ahaa suldaanka guud ee beesha.
Sababta suldaankan da’da yar ay u doorteen beesha Maxamed Cumar waxaa ay ku sheegeen inay tahay maaddama Maxamed Suldaan uu dhashay aabihii oo sadanada haya,ayna ka dhex muuqato inuu yahay qof ka soo bixi kara xilka loo dhiibay,walow ay jiraan awolaad ka weyn Maxamed oo u dhalay suldaan Axmed.
Suldaan Maxamed Suldaan Axmed (Hure) ayaa markii uu dhacay caleema-sarakiisa hadal kooban oo u jeediyay waxuu sheegay inuu noqon doono mid ku dhaqma cadaalad iyo sinaan,inta ka dibna waxuu u duceeyay dhammaan ummada Soomaaliyeed oo u illahay u waydiiyay inay noqdaan kuwo ku noolada nabad iyo barwaaqo.
Xildhibaan,Saciid Cabdi Samatar oo ka tirsan baarlamaanka Puntland iyo xildhibaan,Cabdiqaadir Xuseen Diriir ayaa dhankooda hadal ay munaadabadda ka jeediyeen waxaa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan caleema-saarka suldaanka.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdullaahi Ciise Aw Maxamed,duqa degmada Garoowe,Axmed Saciid Geelle iyo guddoomiyaha degmada Burtinle,Liiban Xirsi Khaliif ayaa si la mid ah u sheegay inay soo dhaweynayaan suldaanka cusub ayna la shaqeyn doonan.
Isimmada ka qayb-galay ee munaasabadda ka hadlay:-
Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Maxamuud
Suldaan Saciid Maxamed Garaase
Islaan Maxamed Islaan Yaasin
Ugaas Cabdi-salaan Jaamac Faarax
Suldaan Cabdullaahi Bokor Jaamac
Beeldaaji Cali Suldaan Salaad
Suldaan Cabdullaahi Maxamuud
Wakiilka Faqi Bashiir-Nabadoon Gorod Farax Xasan
Ugaas Cabdi Jaliil Cali Faarax
Suldaan Cabdullaahi Cali
Wakiilka Ugaaska ( Yuusuf Daarood)-Cali Geelle Maxamed
Wakiilka Suldaan Saciid- Axmed Jaamac Maxamed
Wakiilka Beeldaaje Cali
Nabadoonada ka qayb-galay ee munaasabadda ka halay:-
Nabadoon Yaasin Cabdisamed
Nabadoon Gaani Xuseen Saciid
Nabadoon Mursal Xuseen Nuur Dirir
Nabadoon Cabdirashiid Sugule (Xabsay)
Nabadoon Jaamac Yuusuf
Nabadoon Saciid Cabdullaahi (Gaamburi)
Nabadoon Saciid Warsame Ciiraale (Soocadde)
Nabadoon Sheekh Yuusuf Cabdirixmaan Afguriye
Nabadoon Maxamed Daahir Maxamed Garaase
Nabadoon Saciid Xaaji Cabdalle
Madax dhaqameed fara badan ayaa caleema-saarka suldaanka cusub ka hadashay,kaaso u dhacay qab loo agaasimay si weyn,waxaana lugu soo bandhigay sugaan kala duwan oo lugu ammaanay suldaanka iyo munaasabadda lugu caleema-saaray.
Nugaal SDN/QJ