|

Suldaankii Somaliland ka falaagoobay ee Wabar Oo La Filayo Inuu Ayaamaha soo socda Ku soo Laabto Boorama,Madaxweyne Siilaanyo oo Cafiyey Balse Qodob ku diiday ergo reer awdal ah.

Boorama, 01.Nov , 2015-(SDN/QJ):- Sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah Odayaal ka soo jeeda beesha uu ku abtirsado Sul. Wabar ay kulan mudo kooban qaatay wuxuu xalay la yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kulankaas oo ay dulucdiisu ahayd mid cafis ay ugu raadinayaan Sul. Wabar iyo kooxda yar ee la socota.
wabar
Ma aha Cafis oo kaliya Waxyaabaha lagala hadlay Madaxweynaha balse waxa ay wararku xaqiijinayaan in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu aqbalay in uu u qoro warqad cafis ah Suldaan Wabar, balse uu ku gacan saydhay in ay madax ka tirsan xukuumadu ka hor tagtaan lana kulmaan suldaan Wabar. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in odayaashani ay Madaxwaynaha Waydiisteen seddex arimood oo kala ah in uu cafis u fidiyo suldaan Wabar iyo kooxdiisa, in uu qarameeyo koox tiro yar oo suldaan Wabar ku wehelinaysay afkaarka ka dhanka ah Somaliland, iyo in ay xukuumadu u dirto wafdi ku soo dhaweeya dhinaca xadka.
Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in ay xukuumadu ka gaabsatay balan qaadka ah in ay qaramayso kooxda wabar la falaagowday, sidoo kalena waxa ay gabi ahaanba mamnuucday wax walba oo isu soo bax ah oo lagu soo dhawaynayo Wabar, tani badalkeedana waxa ay Xukuumadu go’aamisay in Wabar iyo Kooxdiisu ay isku dhiibaan Ciidanka Qaranka ee ku sugan Jiidaas, marka ay hubka dhigaan ka dibna Boorama ay ciidamadu gayndoonaan, suura galna ay tahay in Wasiir Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ku sugan Boorama iyo suldaan Wabar in ay saxaafada kula hadlaan.
Inkasta oo aan la saadaalin Karin in shuruudahan oo dhan ay u cuntami doonaan Wabar ayaa hadana hadii uu aqbalo shuruudahan waxa qorshaysan in maalmaha ama saacadaha fooda nagu soo haya uu Wabar ku soo laabto Somaliland, kadib isku day kicin oo aan midho dhalin oo uu mudo dibad wareeg ugu maqnaa, Waxana ay talaabadani ku soo beegmaysaa wakhti Ethiopia culays ku saartay Wabar in uu dalkeeda iskaga baxo, isla markaana ay gabi ahaanba soo ooday goobihii ay kooxdiisu ku dhuumaalaysanaysay.

 

Comments are closed