|

Suldaanka Guud Ee Beesha HABAR YOONIS Oo Ka Hadlay Tirada Carruurta, Haweenka Iyo Waayeelka Ah Ee Ciidammada Itoobiya Ku Xasuuqeen Deegaanka Jaamac Dubbad Ee Kililka Shannaad

Gaashaammo, 9 June, 2016-(SDN/QJ): – Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa ka hadlay Dad gaadhaya 24 Qof oo Dumar, Carruur iyo Rag Waayeel ah oo Ciidammada Dawladda Itoobiya ku xasuuqeen Deegaanka Jaamac Dubbad oo dhanka Koonfur-bari ka xiga Degmada Gaashaammo ee Kililka Shannaad ee Soomaalida Itoobiya.

SULDAANKA GUUDSuldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, waxa uu beeniyey in tirada Dhimashadu tahay 42 Qof oo hore Warbaahintu u baahisay, waxaanu sheegay in Dadka Ciidammada Itoobiya xasuuqeen tahay 24 Qof oo Dumar iyo Carruur u badan.

Suldaanka oo Shalay u warramayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Siday marka hore waxa weeyaan Ciidanka waa lagu khaldamay oo Dad yar oo kooban baa ku khaldamay. Markii dambe Ciidanku waxay tageen Magaalada Jaamac Dubbad oo Koonfur ka xigta Gaashaammo oo ahayd halkii markii hore Ciidanka xabadda lagaga riday, gaadh baa laga qabtay Magaalada, dabadeedna Dadkii baa la soo ururiyey, Rag Waayeel ah, Carruur iyo Dumar wixii halkaa joogay waa la laayay, iyadoo loo aaneynayo waxaad isku qolo tihiin (Dadkii Ciidanka Xabadda ku riday).”

Suldaanka oo la waydiiyey siday ku bilaabantay Dhacdada keentay in Dadka la Xasuuqo, ayaa ku jawaabay, “Dhacdadu waxay ku bilaabantay laba Gaadhi baa isku dhacay, dabadeedna Labadii Gaadhi loo soo jiidayey Xagga Gaashaammo (Ciidankaa soo jiidayay gaadiidka), markaa meel walba Dad Caqli xumo way joogaane, waxay is yidhaahdeen Gaadhiga isagoo bilaa Lambar ah yaan la idinka qabane kala hadha Ciidanka, markaa sidaa ayay ku bilaabantay Dhacdadu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, isagoo faahfaahinaya tirada dhimashada, “Ilaa hadda waxa sugan 24 Qof, 7 Haween ah waanu hubnaa in la dilay, 11 Carruur iyo dhallinyaro ahna waanu hubnaa, inta kalena waa Odayaal waaweyn.”

Suldaanku ma sheegin wax khasaare ah oo la  gaadhsiiyey Ciidanka Xasuuqa geystay, “Ma Hubo, mana jiro wax Ciidanku soo bandhigay oo ah khasaare loo geystay. Laakiin Dadka meesha wax lagu yeelay iyo kuwa wax yeelayba waa Dawladdoodii, markaa dedaal badanna waanu ka samaynay (oo waan waan ah), laakiin ilaa hadda wax jiraa ma jiraan. Dawladdana waxaanu leenahay hala joojiyo (Colaadda) oo hala isku soo gaadho.”

Suldaan Maxamed waxa uu sheegay in Ciidankii Xasuuqa geystay weli deggan yihiin halkii dhibaatadu ka dhacday, “Ciidankiina sidii buu meesha u deggan yahay, Meydadkiina Shalay (Doraad) baa la aasay markii la ogolaaday, welina waxa la raadinayaa Meydad kale hadday meelahaa ku qarsoon yihiin. Markaa ILAAHAY Dadka dhintay ha u naxariisto, Dad kalena waxaan u soo jeedinayaa wax dhibaato ah yaan la geysanin, Madaxweynaha Kililkana waxaan u soo jeedinayaa iyo Madaxda Dawladda Federaalka inay arrintu halkaa isku taagto, dibna loo eego wixii dhacay. Madaxweynaha Kililku wuu maqan yahay, haddana waxaanu rajeynaynaa inuu Arrinta si deg-deg ah uga hawl-galo oo arrinta la joojiyo, Gogol lagu wada-hadlana uu furo oo nabadeed.”

Comments are closed