|

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo ku Guulaysatay inuu Boosaaso ka soo daayo Abwaan C.waaxid Gamadiid

Garowe 07.June 2015 (SDN/QJ) Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland ayaa Ku Guulaystay Inuu Xabsiga Maamul Goboleedka Punthland Ka Sii Daayo Abwaan Hargeysa Ku Noolaa Oo Arga Gixiso Lagu Eedeeyey.

abdiwahid ali gamadid150x150Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ku Guulaystay Inuu Xabsiga Maamul Goboleedka Punthland Ka Sii Daayo Abwaan Hargeysa Ku Noolaa Oo Arga Gixiso Lagu Eedeeyey ,Sidaana Waxaa shabakada Qurbejoog u sheegay Weriye ka tagay dhanka hargaysa balse haatan ku Sugan Magaalada Garowe.

Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid oo ka mid ahaa abwaaniinta Somaliland u dhashay kuna noolaa Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu mudooyinkii u daneebeyey ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada garoowe ee Maamul Goboleedka Punthland ayaa waxa loo haystay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-Shabaab balse sii daynta xadhigiisa waxa Magaalada Garoowe u tagay suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaana arinkaa kala hawlgalay Suldaanka Daarood Suldaan Burhaan iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punthland waxaana ugu danbayn Shalay galab lagu guulaystay in Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid Sida Wararku nagu soo gaadheen

Waxaana la filayaa in Abwaanka Iyo Suldaanka Guud Ay soo gaadhaan Gudaha Caasimada Hargeysa Lamana Garan Karo Halka uu ku danbeeyey kiiskii loo haystay

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed