Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Kala Diray Gudiddii Horumarinta Ciidagale, Xukuumaddana Ka Dalbaday In Ciddii Magaca Guddida ku Hadasha La Xidho
Hargeysa 01.Feb 2015 (SDN/QJ)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Ay Weheliyaan Cuqaasha iyo madax dhaqameedka Ardaayada beelaha Ciidagale ayaa manta Magaalada Hargeysa Kaga Dhawaaqay Inuu kala diray Guddidii Horumarinta beelaha Ciidagale oo Muddo dhaafay.
Suldaanku waxa uu sheegay in immika wixii ka dembeeya ay talada beeshu gacanta ugu jirto cuqaasha iyo salaadiinta Beesha, guddidaasina aanay haba yaraatee ku hadli Karin magaca guddida ay metelaan.
Sidoo kale Suldaanku waxa uu xaal ka bixiyey Hadallo hore uu ugu duray Ciiidamada qaranka oo uu sheegay in la marin habaabiyey eedayn uu hore ugu jeediyey jananka Ciidanka Qaranka. “Dhammaan cuqaasha Beesha iyo akhyaarta kale ee meesha fadhida waan salaamayaa, waxaan doonayaa inaan ka hadlo saddex qoddob oo kaliya, waa ta koowaade,
reerkani waxa ay lahaan jirtay Suldaan iyo cuqaal talada beesha haysa, haddii laga tagay, dhibaataa nagaga soo baxday guddidii beeshu ay iska soo dhex dooratay. Dhibaatadaas ka timidna waa mid afkooda ka timid, Media-yahana ay geliyeen”, sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “ laga bilaabo saacaddaas [duhurkii] muddo kordhintii aanu siinay way ka dhammaatay guddidaas ciidagale
magaciisa ku metesha. Immika laga bilaabo taladii beeshu waxa ay gacanta ugu jirtaa cuqaasha iyo suldaanka, wax xil ah oo dembe oo ay nimankaasi beesha u hayaanna ma jirto. cid kastoo gudidaas ka mid ahaydna laga bilaabo saacaddaas wax xil ah oo ay hayaan ma jirto.
Waxaana laga rabaa inay cuqaasha iyo salaadiinta beesha soo hor fadhiistaan oo lala xisaabtamo, taas [xisaabtanka] haddii la waayo xukuumadda waxaanu leenahay waa inay wax nagala qabato oo cuqaashu ninka ay keento loo hayo oo hadday xadhig tidhaahdana loo xidho” ayuu yidhi Suldaan MAxamed.
Dhinaca kalena waxaa uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi “Xukuumaddana mid baan odhanayaa oo waxaan ka hadlayaa meesha masalaha la yidhaa. Maalin dhawayd waanu is qabanay ciidanka qaranka, rag baa noo sheegay garoonkii meesha in ciidanku birihii ka jareen oo waanigii khudbadaydii maalintii dhwayd ku cambaaraynayay,
garoon la baabiiyey ma jiro, ciidan dhul boobayna ma jiro ee waxaan idiin sheegayaa xaal baan ka bixinayaa ooc iidanka qaranka ayaanu siinaynaa. Dadka mid hanfade ahi waa jiraa oo war aanu hubin uun inta uu meel kasoo qaado kuula soo carara, adna waad la xayraan
dhaqaaqdaa uun. Markaa warkaas waanu la xayraan dhaqaaqnay ee raalli ha nalaga ahaado, mida kale waxaa jirta dhawr af legaado oo iga gaadhay jananka ee waxaan leeyahay adna janankaygii baad tahay anna suldankaagii baan ahaye iska raalli ahaw”