|

Suldaanka Guud ee Beel-weynta Irir Samaale oo Qoraal uga hadlay Arimo Dhawr ah

Edmonton April 28,2013(SDN)-Warqad qoraal ah oo qaybo kala duwan uga hadlayo Suldaanka guud ee beel weyna irir samaale Suldan Abdikariim Farah Ibrahim kuna
wajahan gayiga Somalida.

Waaxayna u dhigneey sida tan Suldaan ku waxuu hadalkiisa ku bilabay isagoo ka hadlaaya wada hadalkii dhexmaray Somaliland
iyo Somaliya kuna dhex maray wadanka Turkiga.

waxuu yidhi Suldaanku  wada hadalku waxuu ahaa mid ad u wanagsan loona maareeyey sidii uugu fiicneeyd. waxanad moodaysay inay labada dhinacba ka ilaliyeen inuu hadalka reebo wax xanaf ah.

waxanan  rajaynayaa inuu ku dhamaado guul labada Wadanba dan u ah, waxaan labada madax weyne
iyo warfuudii la socotayba uga  mahad celinayaa sidii wanaag saneeyd ee ay u galeen shirka iyo qodobadi ayka soo
sareen.

Waxaa kaloo Suldaanku si kulul uuga hadlay shirka ka socda magaalada Kismaayo kuna tilmaamay mid baal marsan shuruucda wadanka
uyaala maadama haba yaraatee kasoo bixin shuruuudihii u yaalay maamul u samaynta maamul goboleed yada.

Waxaanu Suldaanku ku tilmamay inay shirkaasi wadaan kooxo laga soo abaabulay Wadamo shisheeye oo ay ka mid tahay Kenya
waxaanu baq u dirayaa Suldaanku  urur Goboleedka Egad  midowga Afrika iyo Dowlada dhexe ee Somaliya

waxaanu usoo jeediyey inay sida ugu  dhakhsaha badan uuga hor tagaan inay maamulkasi gacanta u galo cid khaasa oo dadka deegaankuna
marti ka noqdaan.

waxaa kaloo Suldaanku sodsi usoo jeedyey shacbiga Somaaliya gaar ahan kuwa ku dhaqan gobolka Banaadir kana codsaday
inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si ay uuga bad baadaan bamka iyo qaraxyada ay la beegsanayan kooxaha manaxa yaasha .

Sidoo kale waxuu Suldaanku la hadlay shacbiga ku dhaqan Somaliland isagoo usoo jeediyey inay dagaal adag la galaan maan dooriyaha qaadka oo dhaqaale ahaan nafeyey Somaliland kuna badalaan cunida qaadka iyo wakhtiga kaga luma barashada tacliinta iyo
wax soosaarka dalka beeraha kaluumaysiga iyo dib u dhiska dalka iskaa wax u qabso.

Sidoo kale waxuu Suldaanku baaq usoo jeediyey Xukuumada Somaliland uu Madaxwayne ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kufsi la sheegay inuu ka dhacay degmada xudun kaasoo la sheegay in loogu geeystay haweeney dhalin yaro ah kufsigaasoo lagu eedaynayo xubno ka tirsan ciidamada amanka somaliland arintasoo hadii ay jirto dhaawac ku ah shacbiga dalka dadka iyo ciidamada kala
duwan ee qarankaba

Waxanan jeclahay hadii ay jirto xubno falkasi ku kacay in maxkamad lasoo taago lana marsiiyo sharciga dalka uyaala
dhinaca kufsiga.

Suldaan ku waxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey duco oo uu u duceeyey guud ahaaaaan Soomalida isagoo Alle uga baryey nabad galyo
iyo barwaaqo iyo wada noolaansho wanagsan.

WABILHI TAWFIIQ

Afhayeenka Sandalada Fardooleyda Bariga Afrika
Omar Hassan Cadow

Comments are closed