SULDAAN XIIREY OO MARKIISII SI FIICAN U GUULWADEEYEY, DIBAAQNEY HADALKII DHEEG EE XAJIINTA LAHAA!!!!!
Salaan ka dib
Miyuu shakiba ku jiraa in reerka ugu dhuumaha dhaadheer Isaaq, ay yihiin reerka Garxajiska la yidhaa, miyaad ku murmaysaa iney jawaab ku macaashka iyo guulwadanimada Cup dahaba ku haystaan.. Dadka qolba ilaahey meel habaar kaga ridee miyaa weligaa laguu sheegay in reerkaasi dhibaatadiisu tahey sidii loo heli lahaa wax dalqada la mariyo. Malaheyga waxaaban is idhi Abwaan Hadraawi iyaga ayuu sheegayey markii uu lahaa ”Dibno ayey la haliilayaan, Dalqadey wax ku eegayaan”.
Hunguri iyo guulwadanimo lagaaga danbeeya, guul kuuma aha. Hadaladii Xajiinta iyo dalqo wax u raadinta ahaa ee Suldaan Mohamed iyo Dheeg sida gola ka fuulka ah uga yidhaahdeen maalintii M/weyne Silaanyo booqdey wadada cad ee qaadhanka dadka meesha dega lagu dhisey, Alla hadalkii dheeg maalintaa xajiin badanaaye, Alla ma daah baa saara inuu ahaa hadal lagu doonayo wax qof deeqa, lakiin geesta kalena ka ahaa Kala Gooye!!!!!
Awowgeyga Laxmiga ah, Suldaan Xiirey oo aan meel dheer ka soo ciyaar gudin, kana mida laacibada Beesha Garxajis safka hore kaga jira marka xaga dalqada wax loo doonayo ayaa isna ka faa`iideystey fursada soo martey ee murka dhulka Masalaha shabagan ku luxey, hadal Guulwadanimo iyo ka aar goosasho isugu jira isagoo sheegey inaaney caqli gal aheyn in Ciidamada Qaranka dhulka laga sheegto… Hada halkaa fahano Awowgey wuxuu ahaa ninkii 10ka Askari ku diley xeradii Ciidan Qaran ku sheega hoosta ka beelaysani lagu wareeray dhawr sano ka hor!!!!!!. Mida kale Awowgey Sudlaan Xiiraye wuu odhan karaayey ”Ina Shaqalow hadaad hantiidii Qaranka iyo Ciidamadii Somalia lahaayenba soo celinayso ka soo bilow kuwa reerihiinu haystaan,,,,,!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.. Lakiin hadalka dawga ah dufan baan ku dhex jirin!!!!!
Gebagebadii iyo guntii anigoon kala jecleyn guul wadoo dhanba, anigoo og reerka Garxajis la yidhaa inuu kaalinta kowaad kaga jiro Dhab Libaax ku jiifinta goryo khaakhada ah iyo fashilka Siyaasadeed ee dadba haysta, anigoo og in gebiga Somaliland ba tahey Qabyaalad Garan iyo Nigis qudha xidhan oo aaney jirin wax Qaranimo la yidhaahdaa, waxaan ku soo gebagabeynaa talo aan siinayo Hunguri badanayaasha Garxajis taas oo ah.
Madaxda Landta kale ee aad guulwadeysaan wey idin ogyihiin inaad call box dha Libaax beena tihiin, wey idin og yihiin in dhadhamadu ay idinkala weyn tahey umadnimda….. Sidaa dareed hunguri haduu ku qaado talaa lagu daraa, jawaabihiina dadka kale ka soo dheeray joojiya Alle idin Dooriye.
Alla Mahad Leh
Osman Omar Dool.
Omardool1988@hotmail.com