|

SULDAAN XIIRAY: ‘Garxajis Shir Beeleed Ma wado ee Danahooda gaarka ah ayey ka Tashanayaan’

Hargeysa,21,7,2016 (QJ/SDN) – Afhayeenka dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo maanta ka hadlaayey caleemo saar loo sameeyey suldaanka guud ee beesha Guuyoobe ( Ciidagale) ayaa waxa uu si faah faahsan uga hadley shir  ay qaban qaabineyso beesha Garxajis.

Suldaanka ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi meeqaamkiisi laga duway isla markaana si kale loo turjuntey isaga oo sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid ay beeshaasi kaga hadli doonto danaheeda gaarka ah waxana uu yidhi;

“Waxaan doonayaa in arin la duwan bulshada  Somaliland aan halkan uga cadeeyo oo meeqaamkeedii laga yara duway oo la yidhi  beesha garxajis baa shir beeleed wada , Garxajis shir beeleed ma wado ee danahooda gaarka ah ayey ka tashaneysaa  waxaan idiin cadeynayaa meeshaasi  waa nabad ee ogaada waana beel walal nimadeedii ka hadleysa .

Waana sida  jiif Caaqil Jaanbiir Iyo muj.Xassan Guure  ay sheegen waxaanan idiin sheegayaa halkaasi wax balaayo ahi kama jirto ninkii balse xumaan doonayaa heli maayo , waa nabad , waa walaalnimo dalkana lexlo jeclo ayaa ka heysa ” ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

Comments are closed