|

SULDAAN WABAROW HADAAD CADAALAD DOONEYSO KU CAMIREE, HADII AAD XABAD DOONEYSANA KU XAASIDE

Salaan qiime badan dhamaan umada afka Somaliga ku hadasha mid gaarana inta Somaliland la isku yidhaa.

 

Waxaa maalmahan danbe dhegaha dadka Somalida ku soo dhacayey Suldaan magaciisa la yidhaa Suldaan Wabar oo ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan Gobalka Awdal, Suldaankaas oo ku baaqey dagaal ka dhan Somaliland iyo maamulka ka jira, hadaba

 

Inkasta oo aanan weli aad u fahmin maqifka Suldaanka ama hadafka uu doonayo inuu dagaalkaas uu ku gaadho, arimaha iska key dhex galeyna ay kala yihiin

A-Suldaanku sideedaba ma wax uu jeeda Somali lama kala jari karo oo Somaliland gar iyo gardaba waan ka soo hor jeeda, waxaanan qori u qaatey inaan goosashada Somaliland xoog ku beeniyo anigoo Qaranimo Somaliyeed raadinaya!!!

 

B- Mise waxa uu leeyahey waxaa jira dulmi iyo ka badasho lagu hayo degaanka reer Awdal oo Somalilandtuba waa mukhaayad u shidin beesha dhexe oo quad sidaa darteed waxaan qoriga u qaatey inaan xaqa reer Awdal kaga maqan beesha dhexe ku soo dhiciyo!!.

Aynu soo qaadano in ujeedada Suldaanku tahey B.. Waayo A.. Waxaa suldaanka ka hor imaneysa Somalida aad dooneyso anagaba kuu raaceyna ee halkey hada joogaan!!!.

 

Madaaba aynu B aynu qaadaney waxaan aniga iyo inta ilafikirka ahiba Suldaan Wabar ku raacsanahey inuu jiro saluug ka jira maamulka Somaliland kan hada jooga iyo kuwii horeba, saluugaas oo ah inaaney jirin yool ay madaxda Somaliland  higsanayaan oo umada ka saari kara labada aafo ee guud ahaan Africa iyo gaar ahaan Somalida ama Somalilandba ka dhigey fadhiidka kuwaas oo kala ah Qabyaalada iyo Musuqmaasuqa kuwaas oo aan  midkoona lala gaban ama aan lagama xishoonin. Afooyinkas oo ragaadiyey adeegii aasaasiga ahaa ee umada loo qaban lahaa, iyadoo halkii umada wax loogu qabana lahaa lagu jiro Guluf ah in kuraasida difaac iyo weerar lagu hantiyo!!!

 

Iyadoo hadaba ay jirto dhaliisha aan kor ku soo sheegnaya ayaa waxaa soo baxaya sidee dhaliisha lagu sixi kara,?. Miyeyse jirta cid gaara aam Qabiil gaara oo si xadguduba ama gabood fala u dulma Qabiilooyinka kale?.

 

Jawaabta kowaad waxa weeye dhaliisa waxaa lagu saxi kara wada hadal iyo kacdoon Salmiya oo ka dhan ah kooxaha kuraasida jecal, kacdoonkaas aan wadan fowdo iyo iska hor imaad keena khasaare iyo dhiig daata oo keeni kara in la tago meel ka sii liidata halka hada la joogo.

Jawaabta suaasha labaadna waxa weeye. Maya ma jirto cid ama reer gaara oo ku gabood fala reero kale ama cid si jinsi ah loo takoora, dulmiga jira oo ay sameeyaan Siyaasiyiinta dalkuna waa mid laga wada siman yahey xitaa ilaa jilibka hoose ee M/weyne Silaanyo iyo Riyaale oo ka horeeyay waxa ay isku duruuf yihiin uun dadka kale ee Mandaqada kula nool.

 

Gebagebadii Suldaan Wabarow hadaad Cadaalad iyo in umada wax loo qabto rabto waan ku la socda, hadii aad dhiig daata, caruur iskuulo tagi weyda iyo Qaraxyo argagixiso dooneyso inaad ujeedada ku gaadhana waan ku xaasidaya kulama socdo.

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Comments are closed