“Suldaan Wabar Fariin U Diri Maayo,Xili Fariin Loo Diraana Maaha,,Waxaan Leeyahay Reerkiinii Jibriil Yoonis Ayaa Jilib Jilib Isu-haysta.”Wasiir Abgaal DAAWO
Hargaysa 08.Oct 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Somaliland Jaamac Maxamed Abgaal, ayaa ka hadlay xubno miisaan kulahaa Gobolka Awdal oo xabsiga loo taxaabay, kadib weerarkii ka dhacay guriga badhasaabka gobolka awda ee Ramaax.
Wasiir Abgaal oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa caddeeyay in Maayarkii hore Saleebaan Xadi iyo masuuliyiinta kale ee loo qab-qabtay falkii ka dhacay magaalada Boorama lagu oganayo baadhitaan lagu samaynayo. “Haddii dhimasho iyo dhaawac dhacaan, dee xadhigu wuu imanayaa. Ragaa la xidh-xidhay ee loo soo qabtay weerarkii Badhasaabka Boorama, waxaan ogahay masuuliyada ay qaranka u hayeen inay falkaasi ku lug lahaayeen iyo in kalena waa la ogaan. Ragaa maanta la xidh-xidhay waa ragaan islahaa iskadaa wasiire waxay kugu taageerayaan dedaalka aan ugu jiro Musharaxa Madaxwyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye oo codka ha ku siiyaan, sidii aa”. Ayuu yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Abgaal
Wasiirku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Suldaan Weber fariin u diri maayo, xili fariin loo diraana maaha fariinina nagama dhaxayso ,laakiin waxan odhanayaa reerkiiniibaa is haysta Jibriil yoonis jilib jilib bay isu haystaan (Beesha uu ka soo jeedo Suldan weber).”