“Suldaan Maxamed Yaa Ku Yidhi Waaxad Tahay Suldaanka Guud Ee Somaliland,Awal Miyaanu Suldaanka Ciidagale Ahayn..”. Cali-Guray Oo Af-lagaadeeyay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir
Hargeysa,16july,2025(QJ/SDN)-Siyaasiga Cali Yuusuf ‘Cali-guary’ oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka 3-aad Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa meesha ka saaray in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir yahay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland,waxaana uu intaas raaciyay inuu yahay oo kali ah Suldaanka Beelaha Ciiddagle sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan: “Suldan Maxamed yaa ku yidhi waxad tahay Suldanka Somaliland awal miyaanu Suldanka Ciidagale ahayn Somaliland waa dal ee ma reer buu u haystaa loo suldaan noqdo. Waxaynu maqli mid isna sheegta Suldaanka Somaliland iyo Somalia ama Suldaanka shanta Soomaaliyeed”. Ayuu yidhi Cali-guray.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili wuu maalintii shalay uu si weyn u af-lagaadeeyay Suldaan Xasan oo ah Suldaanka Beelaha Habar Awal Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland,waxaana is-soo tarayaa fal-celinta ka imanaysa qeybaha Bulshadda ee ay kaga hadlayaan sida aanu meel-mar u ahayn Eedaha uu Suldaan Xasan u jeediyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.