|

Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Boqor Buur Madow

Hargeysa 08.Feb 2015  (SDN/QJ) -Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sharaxay sababaha keeni kara dib u dhac doorashada Madaxtinimada iyo wakiilada Somaliland ku timaada. Waxa uu sidoo kale meesha ka saaray warar ku saabsan in Madaxdhaqameedka dalka Xukumaddu iskugu yeedhay si looga arrinsado muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo.

suldaan Maxamed“Warkaasi(In Madaxdhaqameedka lagala tashaday Muddo Kordhin) war sugan maaha, oo cidna nooma sheegin cidna nooma yeedhin laakiin, haddii naloo yeedho oo naloo sheegowaanu ka jwaabi markaas. Waxaa muddo kordhin la samayn karaa marka uu dalku galo xaalad ,haddii ay fal dambiyeedyo culusi dalka ka jiraanna waa la kordhin karaa,haddii dhaqaalaha doorashadu xagga dawladda ka socon waayana waa la kordhin karaa, taasna waakii Wasiirka Maaliyaddu sheegay inay diyaariyeen dhaqaalihii doorashada” ayuu yidhi Suldaan Maxamed

Sidoo kale waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka jawaabay hadal todobaadkii dhamaaday ka soo yeedhay Boqor Buur-madow oo uu ku sheegay in Beesha Madaxweynaha ee uu madaxdhaqameedka u yahay doonayaan in wakhtiga Madaxweynaha laba sanno loogu daro maadaama madaxdii ka horaysay wakhtiga loo wada kordhiyay “Hadalka Boqor Buur-madow waxaan leeyahay dawna wuu u leeyahay,haddii uu leeyahay Madaweyneyaashii horeba waa loo kordhin jiray dee isagana qoladaasi hore wixii loo sameeyay ayuunbaa loo samayn karayaa,inuu Boqorku taas ku xisaabtamaa xaq ayuu u leeyahay” ayuu yidhi Suldaanka Oo Wargeyska Saxansaxo u waramay.

 

Suldaan Maxamed oo la waydiiyay aragtidiisa in dalka doorasho ka dhacdo wakhtigii loogu talo galay ee badhtamaha sanadkan waxa uu sheegay in sida laga hayo affka Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Maaliyaddu ay tahay in doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso.waxa uu sidoo kale sheegay in aqlabiyadda Kulmiye qabto in doorashada Wakhtigeeda lagu qabto.

 

Comments are closed