Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo Ansixinta Xeer hoosaadka Wakiilada
Hargaysa 28.Jan 2014 (SDN)- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldan maxamed suldaan c/qaadir ayaa maanta ka hadley xaalada guud ee dalku marayo isagoo si gaara uga hadlay khilaafka adage ee ka dhex aloosan xisbiga kulmiye .
Suldaan Maxamed Suldan Cabdi qaadir oo Ugu Horayn ka Hadlaya Khilaafka uu la Dhutinayo Xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa waxaanu yidhi “Anigu waxan ay ku sheegayaan khilaaf ayaa ka dhex jira xisbiga kulmiye dhexdiisa anigu waxaan leeyahay khilaaf maaha waxa weeye siyaasada xisbigu ku soconayo sidii loo hagaajin lahaa ayunbaa la isku hayaa labada group ee meesha wada hadlayaaana labaduba horta wa isku xisbi waar aynu isla saxno dadweynuhna yaanay khalad u fahmin arrintasi haddi laba qof oo uu midba bambo bila biin ah haysto waa ka lagu hor tuura uun ayunbaa markaa meesha ka suula marka tanna waxay ka dhigantahay in khilaafaadka xisbiga dhexdiisa yimid hadaan laga wada hadlin de dadka jahawareer ayunbuu ku ridaysaan “
Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay natiijada ka soo baxday wada hadalada somalialnd iyo Somalia gaar ahaan qodobka sagaalad ee ka mid aha heshiiskii ay wada saxeexeen labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ee sheegayay in xasuuq dhacay halka mucaaradkuna ay ku eedeyen xukumada in ay soo saxeexeen heshiis sheegaya in ay dhacday cadaawad hadaba suldaanka aya sheegay in wixii dalka ka dhacay ahaa xasuuq isago carrabka ku adkeeyay arrintaasi
waxaa kale oo uu ka hadley suldaanku xeer hoosaadka golaha wakiilada ee shalay sida aqlabiyadda ah loo ansixiyay walo ay jireen xildhibaano sida fiinta uga qayliyay ansixinta xeer hoosaadka oo ay ka mid yihiin shirgudoonka golaha wakiilada oo kala ah labada gudoomiye ku xigeen oo iyagu kaba baxay kalfadhigii lagu ansixiyay xeer hoosaadka golaha wakiilada hadaba suldaan maxamed oo arrintaasi ka hadlayaa waxaa hadalkisa ku bilaabay “ golaha wakiilada iyo golaha guurtidu ilaa hadda ma lahaa xeer hoosaad ay ku dhaqmaan xeer hoosaadku wax published ah kumay sameen ma dadweynaha laga qarin karaa wixii jiraa walaahi waxan aqlabiyadda lagu meel mariyay ee xeer hoosaadkoodu marka horeba waan saluugsanahay waayo haddiba wixii looga baahna qofku in uu ka mid noqon karo baarlamaanka haddanay meeshaba oolin muxuu I hagi karaaa qof cawaani muxuu ku hagi karaa oo aan aqoon siyaasadeed iyo tu cilmiyeed iyo tu dhaqaale iyo tu bulsho aan waligii soo marin waa reer hebel iga gee ayunbay ahayd laakin waa in qaab dimuqraadiya wax lagu doorta “
Gabagadii suldaanka guud oo si balaadhan uga hadlay xaalada dalka waxaa uu gunaanadkii fariin u diray xukuumadda isagoo talooyin badana u jeediyay .
Hargaysa SDN.
Contact@Somalidiasporanews.com