|

Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir Oo Taageeray Iibka Xarunta Wax Akhriska ee Gaandi

Hargeysa:Oct,29,2014(SDN/QJ)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka Guud ee Somaliland, ayaa ka horyimi dareenka shacabka ee la xidhiidha sida ay uga xun yihiin Iibka xukuumaddu ku samaysay Xarunta Wax akhriska ee Gaandi library.

suldaan MaxamedSuldaanka ayaa sidoo kale kale difaacay Qoryska Reer Faarax Xarbi ee Makatabadaas Iibsaday, waxana uu tilmaamay inay kusoo noolaayeen caasimadda Hargeysa oo aanay meel kale ka imanin, isagoo ku Adkaystay inay sifo sharci ah ku heleen.

Suldaanka ayaa isagu si gaar ah u sheegay in shirkadda Al-harbi ay  Tartan u gashay iibka meeshan, isla-markaana ay tahay shirkadda ku Guulaysatay Qandaraaskii xukuumaddu ku iibinaysay Dhulkan.

Suldaanku isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu sheegay, inay dawladdu xaq sharci u leedahay maamulka dhulkeeda, isla markaana aanay haboonayn in qas iyo buuq laga abuuro baloodh dhul ah oo sifo sharci ah qof ku raacay, sida uu Hadalka u dhigay, waxana uu Gebi ahaanba meesha ka saaray in shirkadaas si hoose looga Iibiyey dhulkaas muhiimka u ahaa bulshada reer Somaliland.

“Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay, laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa, cidina kuma qabsato. Waxase la yaab leh waxa baloodhkan maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay shirkada  Al-xarbi looga daba qaylinayaa, ilaa Wasiir ilaa biyatooni ay uga wada hadlayaan. Dadku  miyay kala fadilan yihiin, dhulka miyay wada lahayn. Waxa u arkaa arinkaa mid khalad ah oo xaq daro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaadin kale ku guulaystay in laga qayliyo. Waxa aanu ka war haynaa xitaa Wasiiradda Sacad-muuse inay soo fara galiyeen arrinta dhulkan yar ee maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee shirkada Al-xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay .”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaanku waxa uu  xukuumadda u soo jeediyey in dadka dhulkaas iibsaday loo banneeyo dhulkooda oo ay u madax bannaanaadaan, “Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ah Salaadiinta ugu caansan somaliland ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee xagga dhaqanka eek a Hadla Arrintan, waxana uu tilmaamay in dadka maktabada iibsaday aanay  mudnayn in lagu qaliyo.

Ganacsadaha caanka ah ee Ina Faarax Xarbi, ayaa isagu  iibsaday xaruntii da’yartu wax ku akhrisan jirtey ee Gaani library, waxana arrintaasi ay si weyn u damaqday Shacabka reer somaliland, gaar ahaan intooda waxbarashada jecel.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed