|

“Maanta Haddii waddanku wax Noqdo cidda aanu u haysanaa waa Kulmiye, cidda xukunka haysata iyo Tujaartooda ayaanu u haysanaa, ninka Talo Diidaana waa Gar Diid. Wada tashi iyo in wax la wada ilaaliyo ayaa loo Baahan yahay.”Suldaan Maxamed C.laahi Galaal {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.Nov 2013 (SDN)- SULDAAN  MAXAMED CABILAAHI Xuseen Galaal, ayaa  jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade  ee uu ku Sheegay in  rag Somaliland u dhashay oo dalka ku sugani ay laaluush ku soo qaateen burburinta somaliland.

suldaan galaalsidoo kale waxa uu dibadda soo dhigay mashaariic qarsoor iyo heshiisyo ay xukuumaddu kula qaybsatay dawladda somaliland iyadoo Nabadda maanta taagan somaliland wax baddan lagu siiyey, halka dawladda Somaliyana Ictiraafka wax lagu siiyey, waxana uu Xukuumadda ka codsaday inay Dadweynaha us oo bandhigto mashaariicda dadka la siiyey si loogu dhiso waddooyinka halbawlaha ah ee haatan loo uruurinayo shilimaadka yaryar.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA SULDAANKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/suldaankagalaalan(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed