|

Suldaan ka Mid ah Ganacsatada Caanka ka ah Somaliland oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha oo Tacsi u diray

Suldaan-XasanHargaysa 16.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ku geeriyooday Hargeysa 16/06/2015.

waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku,
waxaanu ku tilmaamay suldaanka tiir ka baxay hogaanka dhaqanka kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Comments are closed