Suldaan dhawaan Xukuumadda Iyo Hogaanka Kulmiye u Cumaamadeen Saldanada Guud ee Beesha Subeer Awal oo Sheegay inuu is Casilay.
Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Warar Xog,ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska Qurbejoog ayaa sheegaya in ninkii loo cumaamaday sii hayaha saldanada beelaha Subeer Awal iyo inti ku xeernayd ay ka tanaasuleen hawshii lagu Maqaarsaaray.
Is casilaada Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxman ayaa waxa ay ka danbaysay kadib markii qorshahii loo waday ay si ba,an ugu jawaab iyo dareen celiyeen dhamaanba Beelwayntii Subeer Awal oo arrintaas u aqoonsaday fidno iyo qorshe dhagaraysan oo lagu weeraraayo Saldanada Guunka ah ee Subeer Awal,
Dhanka kale sida warar xog,ogaal ahi ay sheegayaan in arintaas uu dhabarka ka sii jabiyey kadib markii gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo loo aanaynayay in uu ka danbeeyey hawshan uu kaga baxay isla markaana uu sheegay in aanu lug ku lahayn,
Gudoomiyaha ayaa la sheegay in ragii uu u xilsaaray hir galinteeda markii ay soo dhameeyeen uu u diidey gudoomiyuhu in ay gurigiisa soo galaan,
Ilo wareedyo ku dhow Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu cafis u fidiyey dadkii hawshaasi waday oo qaarkood oo la xidhiidheen Si ay raali galin ka bixiyey gafkii ay isaga ka galeen ka dib Markii ay isku dayeen in ay wax ka badalaan arintii uu isagu meel dhigay beeshiisuna si tusmo ah uga ajiibtey,
Waxa dhawaan si rasmi ah loo soo afjarayaa arintan oo sida wararku sheegayaan loo balan san yahay in qaar ka mid ah dadkii kasoo laabtay arintani in ay shir jaraaid qabtaan kadib markii uu mid walba dhankiisa cadaadis kaga furmay ardaagisa hoose uu ka soo jeeday,
Sidoo kale dhaqdhaqaaq dibad iyo gudo ah oo ay wadaan qaar ka mid ah taagerayaasha muuse bixi ayay rabaan in ay ku qanciyaan in uu shir jaraaid qabto kaasi oo uu isku baraxaayo, waxaana cod dheer ay ugu sheegeen in ay dantiisu ugu jirto in uu kusoo laabta suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo sandanada guud oo markiisii horeba uu taageero buuxda uu ka helay balse isagu dar jiiday,
Si kastabaha ha ahaatee waxa dharaaraha soo socda la filayaa in u muujiyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi bisayl siyaasadeed taladaasi wax ku ool ah oo u la yimaado ama uu sadqeeyo mustaqbalkiisii siyaasadeed.