|

Suldaan Dhawaan Dhaliilay Shaqada Wasiir Waran-cadde Oo Saaka Ciidanka Boolisku Xabsiga u Taxaabeen

Burco:Jullly,04,2015(Hubaal)-Wararka ka imanaya magaalada Burco, ayaa sheegaya in Ciidanka Amaanku Saaka xabsiga u taxaabeen Suldaan Maxamed Muuse Cuneo o kamid ah salaadiinta Gobolka Togdheer, isla-markaana maalintii shalay si weyn udhaliilay shaqada uu hayo wasiirka Arrimaha Gudaha cali Maxamed Waran-cadde.

nucoXadhigga Suldaanka, ayaa waxa noo xaqiijiyey qaar kamid ah ehelladiisa, waxana la sheegayaa inuu ku jiro Mid kamid ah Saldhigyada Magaalada Burco.

Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa imika ku Xidhan Xabsiga Dhexe Ee Magaladda Burco Lamana Garanayo Sababta ay Ciidanka Amaanku u Xidheen Suldaanka, marka laga tago tuhun laga qabo inuu Wasiirka Arrimaha Guduhu bixiyey amarka xadhigiisa, kadib markii uu dhibsaday Dhaliishii uu Suldaaanku shalay jeediyey.

Xukuumada iyo Ciidanka Booliska midkoodna wali kama hadlin xadhigga Suldaanka,  waxana wararka la hayaa sheegayaan kaliya inuu xabsiga ku jiro uun.

Suldaan Maxamed Muuse Cune, ayaa inta badan caan ku ah dhaliisha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana tii ugu dambaysay uu u jeediyey wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu ku tilmaamay nin u fikira sida xawayaanka oo kale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed