Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar Oo Ku Dhawaaqay Hadal Uu Ku Burinayo Go’aan Uu Suldaan Maxamed C/qaadir Ku Hakiyey Shir Beelaha Gar-xajis U Ballameen DAAWO
London 01. February 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Salaadiinta waaweyn ee Beelaha Gar-xajis, ayaa ku dhawaaqay go’aan uu ku burinayo
Go’aan uu doraad soo saaray Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, kaasi oo ahaa inuu joojiyey ama hakiyey muddo aan cayimnayn shirkii Beelaha Gar-xajis.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa sheegay in shirkii beelaha Garxajis uu ku qabsoomi doono magaalada Burco xilligii hore loogu cayimay, sidaana waxa uu Suldaanku sheegay isagoo ku sugan carriga Ingiriiska oo khadka teleefanka ugu warramay SAAB TV, waxaanu yidhi “Aniga oo ku sugan London, waxaan idiinla soo xidhiidhay waxa warbaahinta ka baxay hadal uu jeediyey Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo uu leeyahay shirkii waanu hakinay ama waanu joojinay, waxaanu u sheegayaa dhammaan bulshada Garxajis meel kasta oo ay joogaan in aan shirkaasi wax joojin iyo wax ka bedal ahi midna aanu jirin oo sidiisii iyo waqtigiisii uu dhici doono haddii ALLE yidhaahdo”.
Suldaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Shirkaasi wax iska beddalayaa ma jirto ee waa in sidaasi lagu ogaado oo hawshiisa iyo arrinkiisii iyo goobtii uu ka dhacayeyna loogu diyaar garoobo, Guddidii iyo Odeyaasha beesha Garxajisna aad ayaan u salaamayaa”.
Ugu dambayntii, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar waxa uu hambalyo u diray odayaashiisa Beshiisa “Guddida waxaan leeyahay waan idinku bogaadinayaa intii aan idinka soo maqnaa Waqtigii aad sameyseen iyo goobtii iyo hawshii oo aad inoo waddaan, waxaanan idin leeyahay waynu ku wada soconaa..”
Dhinaca kale, Suldaan Cismaan muu sheegin waqtiga la qabanayo shirkaasi iyo ujeeddadiisa iyo sababta uu u khilaafayo go’aankii uu doraad soo saaray Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ahaa inuu Shirkii Beelaha Gar-xajis doonayeen inay ku qabsadaan Magaalada Burco uu hakiyey illaa muddo aanu Cayimin “Waxaan leeyahay Shirkaa Dib baynu u dhigaynaa oo ma qabanayno imika iyo wakhti, illaa aanu wakhti kale ku iclaamino (Mooyaane), markaa sidaas ayaan ku hakiyey Shirkaa.”ayuu yidhi, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo doraad la hadlay Warbaahinta, hadalkaasi oo ah kan uu ka hor yimid ama qaaddacay Suldaan Madar.