|

Sucuudiga : Qof U Tagay Dhakhtarka Si Uu Qanjaha Looga Jaro Oo Gacanta Laga Jaray !

Riyadh 30. March 2017 (SDN/QJ):- Dalka sucuudiga ayaa waxa ka dhacday arrin aad u layaab badan taasi oo aan inta badan dhakhaatiirta Adduunka aanay ku kicin, haddii aad maqli jirtay “Qof ayaa dhakhtarka tagay isaga oo caafimaad qaba waxaanu soo noqday isaga oo dheg la jaray”, waxay arrintaa sheekada kugu ahayd mid la mid ahi ku dhacday gabadh u dhalatay dalka Sucuudiga oo magaceeda la yidhaahdo Zeena Ibraahim oo 29 jir ah.

Zeena, ayaa u tagtay Dhakhtar ku yaalla Magaalada Muxaa’il ee Dalka Sucuudiga, si looga soo jaro labada qanjood oo xanuunayay, balse waxa laga jaray gacanta, Zeena oo ka warbixinaysa Dhibaatada soo gaadhay ayaa waxay tidhi “Waxa igu dhacay waa Qadar iyo wax ii qornaa, anigu waxaan filayay in aan dhakhtarka ku jirayo muddo yar waa qaliinka qanjuhu uu qaato ilaa 10 daqiiqadood oo kaliya, laakiin waxaan dhakhtarka ku jiray 10 saacadood qaladkaa ay dhakhaatiirtu igula kaceena walaalkay ayaa ka masuul ah 32% waayo, anigu maan ogeyn waxa I soo gaadhay oo koomo ayaan ku  jiray”.

Dhinaca kale, gabadhan ayaa ka codsatay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Dalkaasi Sucuudiga inay arrinteeda dib u eegaan isla markaana walaalkeed iyo dhakhaatiirta ku kacay falkan laga qaado tallaabo sharci ah.

Comments are closed