Sucuudiga oo Xayiraad aan Wakhti lahayn Ku Soo Rogay Xoolihii uga Iman Jiray Dhulalka Somalidu Degto DHAGAYSO
Jeddah 09. October 2016 (SDN/QJ):-Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa sheegay in Amar ka Soo Baxay Boqortooyadda Sucuudiga Gaar ahaan Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, lagu Sheegay in Si Ku Meel Gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.
Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jedda ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida ganacsatada xoolaha isla markaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyada oo loo sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah.
Go’aankan ay ganacsatada Soomaalidu sheegtay in dawladda Sucuudiga uu ka soo baxay, illaa haatan may xaqiijinin dawladda Soomaaliya iyo dawladda Sucuudiga.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen.