|

Sucuudiga oo Sheegay in dad aad u badani ay ka Baro kaceen Gobol ku yaala Bariga dalkaasi oo Colaado ka aloosan yihiin

Riyadh 03. August 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya dalka Boqortooyadda Sucuudiga aya sheegay in Boqollaal qof ay ka barakaceen magaalada ku taalla bariga dalka Sacuudig ee Awaamiya iyadoo muddo toddobaadyo ah oo ay halkaasi ka socdeen isku dhacyo u dhaxeeya xoogagga amaanka iyo rag hubeysan.

Maamulka magaaladaasi ayaa doonaya inay burburiyaan magaalada Qaddiimiga ah ee Awamiya,iyagoo sababta ku sheegay in waddooyinkeedu cidhiidhi yihiin oo ay ku dhuuntaan maleeshiyaadka Shiicada ah.

Waa qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka soo xoogeysta gobolka Bari ee dalkaasi, oo ay Shiicadu ku badan yihiin. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha ayaa ku eedeeyay xoogagga amaanka inay isku dayayaan in dadka deegaankaasi ay ku qasbaan inay ka baxaan halkaasi.

Awamiya ayaa ah halka uu ku noolaa wadaadkii Shiicadahaa ee la odhan jirey Nimr al-Nimr, oo la dilay sanadkii hore kaddib markii lagu eedeeyay argagixisinnimo.

Comments are closed