|

Sucuudiga Oo Laba Milyan Oo Dollar U Ballan qaadday Cidda Xog Ka Bixisa Kooxo Dhawaan Dalkeeda Qaraxyo Ka Fuliyey

Riyad:June,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Sucuudiga, ayaa Ballan qaadday inay Laba Milyan oo lacagta waddank Maraykanka ah siin doonto cid kasta oo gacan ka geysata soo qabashada Kooxo dhawaan Weerar ka geystay dalkeeda.

shicrXukuumadda Sucuudiga ayaa ballan-qaadkaasi shaacisay kaddib markii ay soo bandhigtay magacyada 16 qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen weeraro is qarxin ahaa oo lagu qaaday laba masaajid oo ay leedahay shiicadu.

Weerarada ayaa waxa ay dhaceen labadii jimce ee la soo dhaafay, waxana ku naf waayey tiro badan oo dad mad-habta shiicada haystay ahaa.

Waxa masuuliyada weeraradaasi sheegtay kooxda daacish, oo sheegtay in ay canaasir ku leedahay gudaha sacuudiga.

Daacish waxa ay ku goodisay in ay sii ballaadhin doonto weerarada ka dhanka ah shiicada oo lagaga tira badan yahay dalka Sucuudiga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed