|

Sucuudiga oo ku baaqay in Falastiin la aqoonsado

Riyadh November 11, 2024(QJ) -Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku booriyay Israa’iil inay joojiso gardarada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan, intii uu socday shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Muslimiinta ee ka dhacay Riyadh, isagoo cambaareeyay rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo Lubnaan.

Wuxuu ugu baaqay caalamka in la aqoonsado dowladnimada Falastiin.

OIC oo ka kooban 57-xubnood iyo 22-xubnood oo Jaamacadda Carabta ka kooban ayaa waxaa ku jira dalal aqoonsan Israa’iil iyo kuwa si weyn uga soo horjeeda is-dhexgalka gobolka.

Aragtiyadan kala duwan ayaa hor istaagay jawaab midaysan oo wax ku ool ah oo ka dhan ah Israa’iil in ay isla qaataan.

Comments are closed