|

Sucuudiga Oo Joojiyey Bixinta Fiisayaasha Dadka Haysta Dhalashada Sweden Iyo Xidhiiidhka Labada Waddan Oo Sii Burburaya

Riyadh:Mar,20,2015(SDN/QJ)-Xidhiidhka labada waddan ee Sucuudiga iyo Sweden, ayaa meeshii ugu xumayd gaadhay, waxana labada dhinac iskugu jawaabeen tallaabooyin lagu sii kala fogaanayo.

johoDalka  Sweden ayaa ku dhawaaqay inuu Gebi ahaanba ka baxay heshiis uu hore ula galay Sucuudiga oo sheegayey in Hub tiro badan Sucudiga laga iibiyo, waxana Baarlamaanka waddankaasi dood ay yeesheen ku sheegeen inaanay aqbalaynin in waddan kaligii taliye ka arrimiyo laga iibiyo wax hub ah.]

Sucuudiga, ayaa taas beddelkeeda  waxa uu soo saaray go’aan ku aaddan inaanay wax fiise ganacsi ah  siinaynin ganacsato reer Sweden ah, waxana taasi warwar ku abuuraysaa shakhsiyaad Sucuudiga u dhashay oo arrimo ganacsi ka waday Halkaas, isla-markaana haysta dhalashada waddanka Sweden.

Dhawaan ayuu imaaraadku si toos ah u taageeray go’aankii sucuudigu ugu yeedhay safiirkoodii Sweden, waxana ay u yeedheen safiirkii ka joogay Sweden, iyadoo haatanna la Hadal hayo in dalal kale oo carab ahi u yeedhan doonaan safiirradooda.

Dhibaatada  labadan waddan ayaa Bilaabtantay kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Sweden Wax ka sheegtay hannaanka xuquuqda bani’aadamka ee dalka sucuudiga, waxana ay si gaar ah uga hadashay nin internetka wax ku qora oo dhawaan sucuudigu ku xukumay toban sano oo xadhig ah iyo kun karbaash oo loo yaryaraynayo.

Sucuudiga ayaa Haweenaydan wasiirka arrimaha Dibadda ka ah Dalka Sweden  ka hor istaagtay inay ka hadasho shirkii arrimaha carabta ee dhawaan qaahira ka dhacay.

Dalalka la isku yidhaadho iskaashiga gacanka ayaa dhamaantood cambaareeyey hadalladii hore Sweden uga sheegtay dalka sucuudiga, waxana ay ugu yeedheen inay arrimahaas saxaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed