|

Sucuudiga Oo Dabagal Ku Haya 17-Wadaad Oo Khudbadahoodii ku Cambaarayn Waayey Kooxda ISIS

Riyad:July,21,2014(SDN/QJ)-Xukumadda Waddanka Sucuudiga ayaa ku Hawllan Baadhitaano ka dhan ah Imaamyada 17-masjid ooo ku yaalla Caasimadda Riyaad, kuwaas oo khudbadoodii jimcaha ku Cambaarayn waayey Xoogaga islaamiyiinta ah ee Daacish.

IMAAMSida lagu baahiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters , dawladda Sucuudiga ayaa si gaar ah indhaha ugu haysa culimada masaajidada, siiba imaamyada, iyadoo la sheegay in baadhis lagu samayn doono 17 khadiib oo tujiya qaar ka mid ah masaajidada magaalada Riyaad, kadib markii ay khubadihii Salaadda Jimcaha ku dhalleecayn waayeen weerarrada iyo qaraxyada kooxaha Al-qaacida, gaar ahaan kuwa sunniyiinta ee ISIS ka sameeyeen dalalka Ciraaq iyo Suuriya toddobaadkan.

“Imaamyada baadhis ayaa lagu samayn doonaa, iyadoo la doonayo in la ogaado sababaha ay ugu guuldarraysteen inay khubadahoodii Jimcaha kaga hadlaan, kuna eedeeyaan dhacdooyinka Ciraaq iyo Suuriya.” Sidaa waxa yidhi Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee Sucuudiga Sheekh Tawfiq Al-sudairi.

Ururka Al-qaacida ayaa hore weerarro kala duwan ugu qaaday gudaha dalka Sacuudiga, kuna dilay boqolaal qof, iyadoo arrintaasi sababtay in Boqortooyada Sucuudigu dagaal adag la gasho Al-qaacida iyo ururrada kale oo hoos taga.

Waxa kaloo dawladda Sucuudigu werwer ka qabtaa in kacdoonnada ka taagan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ku fidaan waddankeeda, taasoo ay u dheer tahay shakiyo laga qabo in culimo xag-jir ahi ay gudaha dalkooda ka abaabulaan da’yar cusub oo rabshado iyo dhibaatooyin ka gaysta, iyadoo taasina sabab u tahay inay isha ku hayaan culimada masaajidada, si gaar ahna ula socdaan khudbadaha maalinta Jimcaha la jeediyo.

Al-qaacidada Jasiirrada Carabta oo fadhigeedu yahay gudaha dalka Yemen, ayaa bishan weerar ku qaaday magaalo u dhaw xadka, halkaasoo ay ku dileen afar askari oo ka mid ah ciidanka ilaalada xuduudka ee dalkaas.

 

Dagaalyahannada Sunniga ah ee ISIS, ayaa la sheegay inay ehelkooda ugu baaqeen inay ka baxaan dalalka Sucuudiga, maadaama ay qorshaynayaan inay dalkaas weerar ku qaadaan, balse Wasaaradda Warfaafinta ee Sucuudiga, ayaa sheegtay in xadka dalkeedu ammaan yahay, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka sheegay in dagaalyahannada ISIS qorshaynayaan weerar ay gudaha dalkooda ku qaadaan.

Sucuudiga oo xuduud dheer la wadaagta dalka Ciraaq, ayaa ciidamo xoogganku daadisay Halkaas, waxana ay maanka Haysaa, isla-markaana ay si dhaw ula socotaa Awoodda sii kordhaysa ee Kooxdani Gobolkaku yeelatay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com

 

Comments are closed