Sucuudiga : Ganacsatada Daroogada Oo Qarinta Maandooriyaha Agabka Loo Adeegsado Akhriska Iyo Barashada Qur’aanka
Jiddah 26. February 2017 (SDN/QJ):- Dadka ku dhaqan Dalka Sucuudiga ee ka ganacsada Maandooriyayaasha ayaa had iyo jeer adeegsada xeelado kala duwan oo badankooda la ogaaday, balse waxa ay haatan keeneen arrin aad u layaab badan oo qofka ku Ab-tirsada islaamku uu aad uga damqanayo.
Haddaba, xeelad kasta oo ay Dalkaasi ku galin karayaan Maandooriyayaasha ayey adeegsadaan, laakiin ciidammada Cashuuraha ee Dalkaasi ayaa gacanta ku dhigey marrar badan iyaga oo xattaa isku dayay inay Maandooriyaha ku soo dhex qariyaan Caloosha Adhiga iyo sidoo kale Khudaarta kala duwan ee Dalkaasi loo iib geeyo, wallow markii ugu danbaysay ay keeneen xeelad kale oo fashilantay oo ah inay Looxa la saaro Kitaabka Qur’aanka kariimka ay ku soo hoos qariyeen buug caadi ah iyaga oo ka dhigaya inuu yahay Kitaab Qur’aan ah, balse ciidammada Dalkaasi ayaa ku guuleystay sidii ay xeelada cusub u fashilin lahaayeen waxaanay sheegeen ciidammada Cashuuraha ee Dalkaasi inay gacanta ku dhigeen 1,000 xabo oo ah Maandooriyaha loo yaqaano Kptagon, sidoo kale ciidammada Dalkaasi ayaa waxay gacanta ku dhigeen nin u dhashay Dalka Bangladesh oo isku dayay inuu soo galiyo 1,843 xabo oo ah kiniinka Maandooriyaha ee loo yaqaan Amphetamine oo uu ku soo dhex qariyay buugaagta aadka u yaryar ee lagu qorto lambarada Teleefanada.
Arrintan ayaa ah mid had iyo jeer soo noqnoqota iyada oo marrar fara badan lagu xukumay Dad lagu qabtay ganacsiga Maandooriyayaasha Dil isla markaana meel Fagaare ah Kurka lagaga jaray.