|

Subxaanalaah : Wiil Cudur Asiibay Dartiis wajigiisu u ekaaday Maroodi

 

nin-wajiga-Maroodi-uga-egBiejing:11-Aug-2013 (SDN)Wiilkan Dhallinyarada ah  oo u dhashay Dalka China, ayaa la dhibaataysan cudur Halis ah kaasi oo hilib ka soo baxay Wajigiisu uu iska weynaanayo oo Suuradiisii Bani’aadamnimo ee Quruda badnayd ka dhigay mid u Ekaatay ta Maroodiga.

 

Ninkan ayaa wajigiisa waxaa uu u egyahay sida Maroodiga oo kale taasi oo sababtay in ay dadku ugu yeedhaan Ninkii Maroodiga, hadda ayuu galayaa Qaliin la doonayo in lagaga jaro buradaasi weynaatay ee ka sameysan hilibka, taasi oo culaysskeedu dhan yahay 30 Kgm.

 

Cudurkan Naadirka ah ayaa ninkan shiinaha  ah waxaa uu hayay tan iyo dhalashadiisii, haddana dhaqaatiirka waxaa ay sheegeen inkastoo   h qalliinka lagu sameynayaa uu Halin yahay, hadana sidan aan lagu sii Eegan  Karin ninka Maroodiga oo ay qaliinka sameeynayaan iyaga oo ku rajo weyn in ay guuleysan doonaan.

 

Wiilkan dhallinyarada ah, ayaa yeeshay suurad ka duwan midda dadka, waxana uu noqday mid aad u niyad-jabsan oo Nolosha aan wax rabitaan ah u haynin.

 

Somalidiasporanews.com

Comments are closed