|

“Subeer Awal Waxan Leeyahay Waar Dee madaxweynenimana waa doonaysaan, Cod weyna Waan Hayaa afhayeennimadayda iyo madaxweynuhu waa isku xidhan yihiine, Amba Cirro soo raaca..”Suld. Xiirey

Hargeysa:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo kamid ah Salaadiinta Reer Somaliland, ayaa Madal lagu caleemo saarayey Suldaan Cusub, ka jeediyey Hadallo Kaftan iyo  Duurxul iskugu jira Oo uu Kula Hadlay Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa.

xiireySuldaan Xiirey oo inta Badan ku andacooda inuu yahay Afhayeenka Salaadiinta Reer Somaliland, ayaa sheegay in Beesha Subeer Awal diidmo ka muujiyaan, waxana uu tilmaamay In Hanka Hoggaamineed ee Beeshu ka Leedahay Dalku ku Xidhan tahay Inay Qiraan Afaheennimadiisa.

Suldaan Xiirey oo Arrintaas Ka Hadlay ayaa sheegay in Beesha Subeer Awal looga Baahan yahay inay Afhayeennimadiisa qiraan ama soo raacaan Guddoomiye Cirro oo Madaxweynenimo u sharraxan, waxana uu yidhi,

“Markaan Idhaahdo Afhayeenkii Baan ahay waxay  Subeer Awal yidhaahdaan ma tihid. Subeer Awal Waxan Leeyahay Waar Dee  maddaxweynenimana waa doonaysaan, Cod weyna Waan Hayaa afhayeennimadayda iyo madaxweynuhu waa isku xidhan yihiine, Amba Cirro soo raaca Amba dee aan idin siiyo oo Galbeed Bahasha aan Geyno.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed