Su’aalo Ka Dhashay Waxa Axmed Muumin Seed Kula Gorgortamayo KULMIYE, Haddii Beeshiisu Ku Biirtay
Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Garabka Toosinta ee Xisbiga WADDANI isla-markaana uu Hoggaamiyo Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay taageerayaashoodii Beesha Habar Carfaan ee Toddobaadkii hore ku biiray Xisbiga KULMIYE.
Beesha Habar Carfaan oo ka dhashay Axmed Muumin Seed, ayaa iyaga oo uu Hoggaaminayo Suldaankooda Guud waxay ku biireen Xisbiga KULMIYE, Xilli aanay dhammaanin Wada-hadalladii uu Garabka Axmed Muumin Seed kula jiray KULMIYE, taana waxa ka dhashay Su’aalo la xidhiidha waxa Axmed Muumin Seed kula gorgortamayo KULMIYE haddiiba Beeshiisa oo ahayd Cudduda uu isku haleynayey ay ku biireen KULMIYE.
Afhayeenka Garabka Toosinta ee Xisbiga WADDANI Hinda Gaani oo Saxaafadda kula hadashay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in Dadku ku jaho-wareereen beesha Habar Carfaan ee KULMIYE ku biirtay, laakiin beeshaasi ay Xisbul-xaakimka ugu biirtay sida ay Beelaha kaleba ugu biirayaan, sidaa darteedna ay Wada-hadalladii ay kula jireen KULMIYE socdaan, rejo wanaagsana ay ka qabaan inay Natiijo wanaagsani ka soo baxdo, “Waxaad Mooddaa Dadku inay ku jaho-wareereen Taageerayaasha Borama ee ku biiray KULMIYE. Beesha Habar Carfaan waxay KULMIYE ugu biireen sida Beelaha kaleba ugu biireen Xisbiga KULMIYE, laakiin Wada-hadalladii (Garabka Toosinta WADDANI iyo KULMIYE) way socdaan waxayna marayaan heer gebogabo ah, rejo fiicanna way leeyihiin.”ayay tidhi.