|

Stadium Mogadishu: Dawladda China waxay mudan tahay inaan barinno ee maahan inaan amarno!

Muqdisho 20.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa maalmahan danbe socday qorshe lagu doonayay in dawladda Soomaaliya kula soo wareegto garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo muddo 25 sano ah bur bursanaa, sanadihii ugu danbeeyayna hoyi u ahayd ciidamada nabad ilaalinta Africa ee Muqdisho ku sugan.

 

Haddaba wafdi ballaaran oo ka socda dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay wasiirka arimaha amniga ayna kamid ahaayeen xubno ka tirsan gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socday haweenka iyo dhallinyarada ayaa socod dheer kusoo kala bixiyay garoonka.

 

Inkastoo masuuliyiinta qaar ay soo jeediyeen fikrad fiican oo ah in la isku tashado waqtiyada hore hadhowna ciddii la rabo wax laga dalbado, balse masuuliyiinta qaar ayaad moodday inay baaq kulul u dirayeen dawladda China.

 

Dawladda China waxay dhistay Mogadishu Staudium, oo kamid ahaa mashaariicdii ugu muhiimsanaa ee China ka qabatay Soomaaliya.

 

Masuuliyiinta qaarkood hadalladooda waxaa kamid ah inay China dawladeeda farayaan inay si dhaqso ah garoonka u dhisto maaddaama ay kii hore dhiseen.

 

China waxay noo dhistay mid kamid ah garoomada ugu quruxda badan Africa, kadib anaga ayaa bur burinnay, markaas China ma mudna inaan ku amarno wax aan gacanteenna ku bur burinnay inaan ku canaananno, hayeeshee waxaa taa baddalkeeda loo diri karaa codsi dabacsan .

 

Waxaa ay u badan tahay haddii codsigaasi aan cadaadiska ahayn la diro in la tix galin doono.

Comments are closed