SSC-Khatumo iyo ciidan beeledyo ku dagaalamay Sool
Oog November 09, 2023 (QJ)-Waxaa soo baxaya warar ku saabsan dagaal culus oo maanta mar kale ka dhacay duleedka magaalada Ooag ee gobolka Sool, kaasoo ay ku lug lahaayeen ciidamo beeleedyo reer Somaliland ah iyo kuwa SSC-Khaatumo.
Xiisadan oo aad u xooggan ayaa la sheegay inay hadda ka taagan tahay deegaanka Buq-Dharkayn oo ku dhow degmada Oog oo in ka badan 120-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka. Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa inay jiraan dhaawacyo la soo gaarsiiyay magaalada Laascaanood, iyadoo lagu dadaalayo sidii gurmad caafimaad loogu fidin lahaa dadkaas.
Sidoo kale, SSC oo ka hadashay colaadaasi ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed taabacsan ay weerarka soo qaadeen. Sidoo kale waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday fariisimo ay ciidamadoodu ku sugnaayeen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalka iyo guulaha ay sheegteen SSC-Khaatumo. Dagaalkii shalay dhacay ayaa sababay dhimashada 20 qof iyo dhaawaca tiro kale oo labada dhinac ah, waxaana sidoo kale Somaliland looga qabsatay gaadiid dagaal.
Xaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan Gobolka Sool, taasi oo sii xoojisay xiisada u dhaxeysa labada dhinac.