|

SSC-Khaatumo oo ka hadashay waxka bedelka Dastuurka

Laascaanood November 11, 2024(QJ)-Golaha Wakiilada SSC-Khaatumo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in wax ka bedelada Dastuurka in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo ay ka qeybgalaan dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Puntland, Jubbaland iyo gobolada kale ee ay khuseyso ay qeyb ka noqdaan wax ka bedelka dastuurka si loo horumariyo midnimada qaranka iyo xasiloonida siyaasadeed.

Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale xasuusiyay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo qaybaha kale ee ay khusayso muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado xuquuqda ay SSC-Khaatumo u leedahay taageerada, horumarka, iyo matalaadda siyaasadeed.

Waxay ku booriyeen madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay dhinac iska dhigaan ajandayaasha iska soo horjeeda oo ay ka hormariyaan danta qaranka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Barlamanka SSC-Khaatumo ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Laascaanood uu ka dhacay shir ay kaga hadlayeen doorka ay baarlamaanka SSC-Khaatumo ku leeyihiin sidii ay bulshada SSC uga qayb qaadan lahayd arrimaha dastuurka.

Comments are closed