SSC-Khaatumo oo golle Fulineed ku dhawaaqday
Laascaanood September 13, 2023 (QJ) – Hogaamiyaha Golaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magacaabay Xubnaha Golaha Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Magacaabida oo lagu sameeyay digreeto, ayaa qeexaya shahaadooyinka, aqoonta, iyo waajibaadka looga baahan yahay jago kasta.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilalka la magacaabay. ee9-ka xubnood ee Golaha Maamulka SSC-Khaatumo ay kala yihiin:
Mudane Dr. Yuusuf Sulayman Sancad – Wasiirka Arrimaha Bulshada
Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed –
Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdishakuur Jaamac Maxamed
– Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta Mudane Abdulsattar Sheikh Osman Omar
– Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga, iyo Dhoofinta Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed
– Wasiirka Warfaafinta, Boostada, iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan – Wasiirka Amniga Mudane Cabdiraxiim Jaamac Dalmar
– Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdikariim Jaamac Warsame Digaale – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guud, Gaadiidka, iyo Jidadka
Intii ka danbeysay markii SSC ay isku dhaceen ciidamada Somaliland, waxaa Laascaanood laga dhisayay maamul la magac baxay Khaatumo. Waxa ay ujeedadeeda maamulku yahay in xubin ay ka noqoto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse waxa ay wali la kulmeysaa mucaaradad iyo khilaafyo ka imaanaya dhinaca Somaliland.