|

Spain: Maxkamad Taageertay Xukun Ka Dhan Ah Ciyaaryahanka Messi !

Spain 26. May 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada sare ee Dalka Spain ayaa xaqiijisay maalintii arbacadii shalay  inay taageersan tahay Xukunkii ka dhanka ahaa ciyaaryahanka u dhashay Dalka Argentin ee Messi.

Xukunkan xadhiga ah ee lagu soo rogay ciyaaryahan Messi waxa sabab u ah in aanu bixin Cashuuraha laga doonayo, sidaasi awgeed waxa lagu xukumay Xadhig muddo dhan 21 bilood, ma aha markii u horraysay ee ciyaaryahanka Messi iyo waalidkii la kulmaan xukuno lagu rido, balse waxa la filayaa haddii ay bixiyaan cashuurtaasi aanay xadhig muttaysan doonin.

Dhinaca kale, Qaannuunka Dalka Spain ayaa dhigaya muddada xadhiga ee qofka lagu xukumaa haddii ay ka yar tahay laba sano in aan la xidhi Karin, taasoo ah sababta keenaysa in aan la xidhin Ciyaaryahan Messi iyo Waalidkiisa.

Comments are closed