|

Soomalaiya oo beenisay jiritaanka waalaac Al Shabaab laga qabo

Muqdisho April 22, 2024(QJ)-Villa Somalia ayaa beenisay warbixin ay shalay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegtay in dowladda Federaalka ay dooneyso inay dib u dhigto qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in dowladda Soomaaliya ay bishii hore warqad u dirtay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, taasoo ay kaga codsanayso in dib loo dhigo illaa bisha Sebtember kala bar 4,000 oo askari oo la qorsheeyay inay dalka ka baxaan dhammaadka bishan June.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa ku tilmaamay warbixinta mid aan sax ahayn, isagoo caddeeyay in wax ka bedel lagu sameeyay jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ay tahay mid farsamo, isagoo meesha ka saaray walaaca laga qabo cabsi laga qabo Al-shabaab.

Gelinka dambe ee Khamiista, ayaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay kulmaan, si ay uga doodaan arrimaha khuseeya Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhimista ATMIS.

Uganda iyo Kenya oo ciidamo ku yaboohay howlgalka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay.

Comments are closed