|

Soomalaind oo sheegtay in Soomaaliya ka hinaastay Doorashinka ay qabteen

Hargeysa November 17, 2024(QJ) Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Mareexaan, ayaa jawaab ka bixiyey hadallada ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay in dawladda Soomaaliya ka xun tahay horumarka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku tallaabsatay sannado badan, oo ay ugu dambaysay doorashadii 13-kii bishan ka qabsoontay dalka.

Wasiirku waxa uu ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhaya dawladda Faderaalka kuwo muujinaya xaasidnimo iyo sida ay uga xun yihiin horumarka Somaliland.

“Dawladahan uu dhaliilayo waa kuwa iyaga oo aan meelna ka xukumin, aqoonsan Somaliland, isla markaana qiraya dimuqraadiyadda iyo horumarka wanaagsan ee halkan ka socda ee aan fasax uga baahnayn.” Ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Waxa kale oo uu si gaar ah ugu mahad naqay wakiilada caalamiga ah ee ku bogaadiyay doorashada Somaliland, waxaanu shacabka ku bogaadiyay qaabka biseylka ah ee ay doorashadu u dhacday.

Comments are closed