Soomaaliya, UNSOS, and ATMIS oo heshiis amni sexeexday
NY December 13, 2023 (QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka heshiis saddex geesood ah kula saxiixday DFS, UNSOS, iyo ATMIS. Heshiiskan ayaa ah mid lagu taageerayo tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir-gudoomiyey shirka amniga Soomaaliya oo shalay ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isagoo ku dheeraaday muhiimadda amniga gobolka uu u leeyahay dowladnimada dalka.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday 26 dal, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin horumarinta ciidamada, xasilinta maamul goboleedyada, muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka amniga. , iyo in la geeyo ciidamada ATMIS ee xasilinta siyaasadda Soomaaliya.