SOOMAALIYA: Shan Haween Ah Oo Lagu Kufsaday Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madheedhey,17Oct,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha degmada Madheedhey, Sayid Baalle Mayow ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 5-haween ah lagu wada kufsaday jidka u dhexeeya deegaanka Madheedhey iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Baalle oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in haweenkan la kufsaday ay da’doodu u dhexeyso 25-jir illaa 30-jir, waxaana kufsaday dabley uu xusay inay dhibaatooyin kawadaan waddada u dhexeysa Madheedhey iyo Afgooye.
“Haweenkan la kufsaday iyo dad kale oo shacab ah waxaa gaadiidkii ay la socdeen ka leexsaday waddada kooxo hubeysan, shan haweenka ah oo dhallinyaro ah waa la kufsaday, dadkii kalena waa la jidh-dilay,” ayuu hadalkiisa ku daray Baalle.
Sidoo kale, guddoomiyaha deegaanka Madheedhey oo hoos-yimaada Afgooye ayaa hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda dhibaatooyinka haweenkan iyo shacabkii kaleba ay u ridanayso dusha dowladda fedeaalka Soomaaliya.
“Dowladda federaalka Somalia ayaa mas’uuliyadda dhibaatada shacabka loo geystay dusha u ridanaysa, waayo iyadaa hubkii ka dhigtay ciidamadii deegaanka ee sugayay ammaanka shacabka,” ayuu yidhi Baalle.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha deegaanka Mareerey ayaa xusay in maalmihii lasoo dhaafay ay xaalada deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay kusoo kordhayeen falalka amni-darrada ah ee ay geysanayaan kooxo uu sheegay inay yihiin budhcad hubeysan.