|

Soomaaliya: Ra’iisul-wasaaraha oo Soo Saaray Amar Lagu Xoojinayo Isticaalka Afsoomaaliga

Muqdisho 03. April 2017 (SDN/QJ):-Raisul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa soo saaray amar ku socda wasaaradaha iyo heyadaha kale eee dowlada Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxay xafiskiisa ayuu lagu faray dhamaan hey’addaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah ku qoraan Af-Soomaali.

Tallaabadan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay adeegsigiisu sii daciifayey.

Inta badan Wasaaraddaha dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado ajnabi, sida luqada Ingiriiska, oo inta badan qoraalada la isugu diro.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray labo sano ka hor amar lagu farayo hay’adaha dowladda iney qoraalkooda rasmiga ah Af-Soomaaliga ku qoraan, balse amarkaas ayaan dheg jalaq loo siinin, lamana in amarkan cusub uu wadadaas mari doono iyo in kale.

Maadaama wasiirada iyo agaasimayaasha wasaaradaha dowlada ay u badan yihiin qurba joog ayaa waxay taasi keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid adeegsiga luuqada Soomaaliga.

Qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ayaa waxaa iyana caado u noqotay in marka ay khudbadaha ka jeedinayaan munaasabadaha isku dhafaan afka Soomaaliga iyo luuqada English-ka, iyagoo intaas ka raadinaya faan iyo amaan si loogu arko qof aqonyahan ah.

Comments are closed