|

Soomaaliya oo u dabaaldegtay xuska sannad-guurada 64-aad ee xoriyada

Muqdisho July 01, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay xornimada iyo mideynta dalka, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay xoojiyaan isku xirnaantooda, isla markaana ay ilaashadaan dhaxalkii ay ka tageen awoowyaashood.

Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa salaan sharaf ka qaatay taallada Daljirka Dahsoon cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo socod ku soo maray waddooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ubax ka dhigay taalladaasi lagu maamuusayo geesiyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkooda u huray xornimada Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ku soo bandhigay diyaarado Helicopter ah oo ay ka mid yihiin Ciidamada Cirka, Taangiyo, iyo Gaadiidka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska, iyadoo halkaasina ay ku soo bandhigeen sida ay diyaarka ugu yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan difaaca Qaranka, sugidda amniga iyo ilaalinta midnimada iyo qaranimada dalka.

Leave a Reply